Monday, May 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo si diirran loogu soo dhoweeyey Burtinle iyo Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 19, 2015
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo si diirran loogu soo dhoweeyey Burtinle iyo Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gaalkacyo, July 19, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka kooban labadda Gole ee dowladda, la-taliyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland oo safar dhanka dhulka ah maanta duhurkii uga soo ambabaxay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa gaaray magaalooyinka Burtinle iyo Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa waxa uu kulan kula yeeshay maamulka, waxgaradka iyo isimo ku sugnaa xarunta maamulka degmada Burtinle ka hor inta uusan tagin magaal madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Waxuuna R/Wasaaruhu warbixin dheer ka siiyey xaaladda deegaanadii uu soo maray iyo kulamadii ka dhacay Magaalada Garowe ee wadatashiga ahaa.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federalka Soomaaliya oo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke degmada Burtinle ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Burtinle in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan midnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee uu kala kulmay shacabka degmada Burtinle gobolka Nugaal, isagoo balan qaaday dowladda Soomaaliya in mar walba ay ka shaqayn doonto horumarka dadka Soomaaliya, si looga gudbo marxaladihii dalka iyo dadku soo mareen muddooyinkii dambe.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay idin kala shaqayn doontaa horumarka aad gaarteen sidii aad usii ballaarin lahaydeen, waxaan booqday meelo kala duwan oo kamid ah Puntland oo soo dhageystay dadka aragtidooda anigoo la tashi la sameeyey hoggaanka Puntland mudadii aan joogay Garowe”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

“Ujeedka aan ka leenahay booqashadan waa in Xukuumadda iyo dadkeedu wadatashadaan, waad la socotaan waxaa dib u habayn lagu sameynayaa Dastuurkii KMG ahaa iyo shuruucdii kale ee dalka, waana sii wada doonnaa la tashiga dadkeena. Tallooyinkii aad soo jeediseen runtii waxay ahaayeen kuwa wax ku ool ah, balse waxaan idiin balan qaadaynaa in Xukuumaddu qaadan doonto tallooyinka aad soo jeediseen ficilna u badali doonto” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Qaar kamid ah Odayaasha deegaanka iyo Maamulka degmada ayaa uga mahadceliyey R/Wasaaraha booqashadiisa, waxana ay warbixin ka siiyeen xaaladda Amni, Dhaqaale iyo Siyaadadeed ee degmada Burtinle, iyagoo balan qaadey in dowladda Soomaaliya ay kala shaqaynayaan wax walba oo danta qaranku ay ku jirto.

Dhanka kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wuxuna la kulmay Islaan Bashiir Islaam Cabdulle oo kamid ah isimada Puntland, wuxuna sii wadi doonaa kulamada kala duwan ee uu la leeyahay shacabka Mudug si loo dhageysto aragtidooda.

Booqashada uu maanta ku tagey Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid magaalooyinka Gaalkacyo iyo Burtinle ee gobollada Mudug iyo Nugaal ayaa qayb ka noqonaya booqashooyin qaatay hal asbuuc oo Ra’iisul Wasaaruhu ku dhageysanayay madaxda iyo Shacabka Puntland.

——DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12)   unnamed

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Next Post

Akhriso: Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay fursad shaqo oo ka banaan

Next Post

Akhriso: Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay fursad shaqo oo ka banaan

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In