Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga taageerada ay siinayso Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo uga Mahadceliyey Dawladda Talyaaniga taageerada ay siinayso Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dawladda Talyaaniga iyo Urur Gobolleedka IGAD uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, kadib, kulan uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula qaatay Xog-hayaha Guud ee Urur Gobolleedka IGAD Danjire Maxbuub Macalin. Kulanka oo lagu soo bandhigayay dhameystirka mashruuca wajiga labaad ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso oo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dawladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dawladda Talyaaniga ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya wajiga labaad ee Garoonka Boosaaso, wuxuna xusay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsatay Talyaaniga in gacan ay ka geystaan dhismaha wajiga labaad ee Garoonka, iyadoo dhaqaalaha ay soo marinayaan Urur Gobolleedka IGAD.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

‘’Sidaa la socotaan dawladda Federaalka Soomaaliya waxay horey u balan-qaaday in gacan ay ka geysan doonto wajiga labaad ee Mashruuca dhismaha Garoonka Boosaaso, anagoo balan-qaadkaas ka duuleyna waxaan ka codsanay dalka Talyaaniga in ay naga caawiyaan dhamaystirka Mashruucan waana naga aqbaleen, iyagoo noo soo maraya Urur Gobolleedka IGAD, maantana waxay noogu yimaadeen sidii loo hirgelin lahaa fulinta qorshahaas.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin.

2 3 unnamed

Previous Post

Bulshada iyo hay’adaha samafalka oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Hal-milyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Hal-milyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen

Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Hal-milyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In