Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dadka Soomaaliyeed Waxay Guranayaan Miraha Dadaalkii Dib-u-habaynta Ciidanka” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dadka Soomaaliyeed Waxay Guranayaan Miraha Dadaalkii Dib-u-habaynta Ciidanka” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa Argagixisada.

“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Argagaxisada looga dul qaadayay shacabka ku dhaqan Janaale iyo deegaannada ku xeeran. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Guusha CXD ayaa ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada, taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka argagixisada dalka looga saarayo.

“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay .

Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada cadowga laga xoreynayo, taas oo looga gol-leeyahay inaan argagixisadu dib ugu soo laaban deegaannada laga xoreeyo.

“Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya argagixisada, Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya”, ayuu sheegay sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Howlgalka Badbaado 1 iyo Badbaado 2 ayaa qeyb weyn ka qaatay sugidda amniga caasimadda waxaana ciidamda dowladdu la wareegeen dhammaan buundooyinka gobolka shabeellaha Hoose oo argagaxisadu kasoo gudbin jireen gawaarida waaweyn qaraxyada ay kusoo rakibaan.

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay tallooyin ku socoto waalidiinta iyo ardayda

Next Post

Somali Army Liberates Jannale

Next Post
Somali Army Liberates Jannale

Somali Army Liberates Jannale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In