Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
DAAWO Ra’iisul Wasaare Khayre oo caawa ka hadlay COVID-19  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalkeena iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka dalka.

“Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19. Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah.

Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida

 

 

Previous Post

DAAWO: Dowladda oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay warbixintii ugu dambeysay ee xaaladda COVID-19 ee dalka

Next Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo joojiyay degmooyinkii loo dalxiis tegi jiray “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo joojiyay degmooyinkii loo dalxiis tegi jiray “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo joojiyay degmooyinkii loo dalxiis tegi jiray “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In