Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo loo Diyaarinayo Howlgalladda lagu Baacsanayo Argagaxisada “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo loo Diyaarinayo Howlgalladda lagu Baacsanayo Argagaxisada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda oo Caddeysay in Dowladdu aysan jebin Qodob kamid ah Heshiiskii ay la-gashay Ahlu Sunna

Next Post
Dawladda Soomaaliya oo Digniin u dirtay Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka.

Xukuumadda oo Caddeysay in Dowladdu aysan jebin Qodob kamid ah Heshiiskii ay la-gashay Ahlu Sunna

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In