Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo loo Diyaarinayo Howlgalladda lagu Baacsanayo Argagaxisada “Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday Ciidamo loo Diyaarinayo Howlgalladda lagu Baacsanayo Argagaxisada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo cirib tirka argagaxisada duullaanka ku ah jiritaanka ummadda iyo qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo kooxaha caadeystay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda oo Caddeysay in Dowladdu aysan jebin Qodob kamid ah Heshiiskii ay la-gashay Ahlu Sunna

Next Post
Dawladda Soomaaliya oo Digniin u dirtay Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka.

Xukuumadda oo Caddeysay in Dowladdu aysan jebin Qodob kamid ah Heshiiskii ay la-gashay Ahlu Sunna

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In