Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dood Wadaag U Dhaxaysa Dowladda Iyo Ganacsatada Soomaaliyeed+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Dood Wadaag U Dhaxaysa Dowladda Iyo Ganacsatada Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta daah-furay dood wadaag u dhaxaysa ganacsatada iyo Dowladda oo looga hadlayay qorshaha xilliga dhaw iyo waqtiga fog ee dowlada Soomaaliyeed ay ka leedahay kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, ayaa sheegay in laga doonayo ka qayb galayaasha shirku in ay aad uga doodaan qaybaha muhiimka u ah horumarka ganacsiga iyo adkeynta xiriirka ganacsatada iyo Dowladda.

 

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad celiyay kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen dib-u-dhiska dalka iyo bixinta canshuuraha.

“Ganacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqa”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Khayre.

“Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr ayaa kulanka ka sheegay in sanadkii ina dhaafay kobaca dhaqaalaha dalkeenna lagu qiyaasay 2.3%, sanadkanna la filayo in uu kobacu gaaro 3-4%, sicir-bararkuna uu hoos u dhacay 6%, shirkadaha cusub ee is diiwaan geliyayna ay labalaabmeen, Rajo wanaagsanna ay muuqato.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayna kasoo qeyb galeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo wakiillo ka socda Beesha caalamka ayaa laga filayaa in si gaar ah loogu lafa guro guulihii lagu gaaray iskaashiga u dhexeeya dawladda iyo hay’adaha kale ee gaarka loo leeyahay wixii ka dambeeyay madashii Lonodon, fursadaha iyo caqabadaha jira iyo in la isla garto meelaha ay tahay in si gaar ah muhiimadda loo siiyo si dhaqaalaha loo kobciyo.

 

Previous Post

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo dowladda Sudan iyo shacabkeeda kaga mahad celiyay deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post

Duqayn lagu laayay Al-Shabaab oo ka dhacday Gobalka Jubbada Dhexe

Next Post
Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay 10 ka tirsanayd Al-Shabaab

Duqayn lagu laayay Al-Shabaab oo ka dhacday Gobalka Jubbada Dhexe

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha Hoose

January 4, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad, Guutada 20-aad, Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shir wadatashi ah ku qabatay Canada

January 4, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya ayaa magaalada Toronto ee dalka Canada ku qabatay kulan wadatashi ah oo ah...

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

SoDMA oo wajiga 3aad ee mashruuca cuna qeybinta soo gabagabeeyay

January 4, 2026
0

Xilli abaarta ka jirta dalka ay gaartay heer halis ah, ayaa Hay’adda SoDMA soo gabangabeysay mashruuc cunto-qeybin ah (wajigii 3-aad)...

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

Defence Minister receives British Embassy’s Chargé d’Affaires to Somalia

January 4, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today received the Chargé d’Affaires of...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In