Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga Caasimadda+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

“Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahanyahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga. Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale atilmaamay in loo baahanyahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.

Previous Post

Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Sagootin ah loo Sameeyay+Sawirro

Next Post

Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Next Post
Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In