Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga Caasimadda+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Qorshaha Midaynta iyo Daadejinta Sugidda Amniga Caasimadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo.

“Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahanyahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga. Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale atilmaamay in loo baahanyahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.

Previous Post

Xog-hayihii Hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan Sagootin ah loo Sameeyay+Sawirro

Next Post

Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Next Post
Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Maxakamadeynta raggii weeraray Hotel Naasa Hblood labo oo bilaabatay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In