Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo howl wadeennada Wasaaradda Xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo socon doona mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirrada Xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir, Wakiilo ka socday beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Hugh Riddell  iyo wakiilka FAO ee Soomaaliya Sergi Tissot oo madasha ka hadlay ayaa si  wadajira u sheegay In loo baahanyahay in si wadajira looga wada shaqeeyo horumarinta xoolaha, iyaguna ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb gali lahaayeyn horumarinta xoolaha Soomaaliya

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan si wada jir ah loo soo bilaabay bishii october ee sanadkii 2018-ka, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay hadda heer gabo gabo ah u marayo diyaarinta dokuminti ku saabsan ka hortagga abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

“Waxaa lagu beeray wadanka, gaar ahaan caasimadaha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 30-kun oo geed, iyadoo la hiigsanayo in la beero dhir gaareysa hal miyan oo geed dhamaadka sanadka 2020-ka, waxaa kaloo la hirgeliyay lix xarumood oo lagu kobciyo dhirta, dhanka kale waxaa cuduro laga talaalay 28 milyan oo neef” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Istaraatiijiyadda Xanaanada Xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay Wasaaradaha dowlad gobaleedyada ee Xannaanada Xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Previous Post

Siminaar ku saabsan ka hortagga fikirka xagjirka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi xaqiiq raadin ah

Next Post
Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi xaqiiq raadin ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In