Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Shirka Meel Marinta Istaraatiijiyadda Horumarinta Xannaanada Xoolaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo howl wadeennada Wasaaradda Xannaanada xoolaha uga mahad-celiyay dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda ayaa sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Shirka lagu meel marinayo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo socon doona mudda sedax maalin ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirrada Xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir, Wakiilo ka socday beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Hugh Riddell  iyo wakiilka FAO ee Soomaaliya Sergi Tissot oo madasha ka hadlay ayaa si  wadajira u sheegay In loo baahanyahay in si wadajira looga wada shaqeeyo horumarinta xoolaha, iyaguna ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb gali lahaayeyn horumarinta xoolaha Soomaaliya

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan si wada jir ah loo soo bilaabay bishii october ee sanadkii 2018-ka, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay hadda heer gabo gabo ah u marayo diyaarinta dokuminti ku saabsan ka hortagga abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha.

“Waxaa lagu beeray wadanka, gaar ahaan caasimadaha dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 30-kun oo geed, iyadoo la hiigsanayo in la beero dhir gaareysa hal miyan oo geed dhamaadka sanadka 2020-ka, waxaa kaloo la hirgeliyay lix xarumood oo lagu kobciyo dhirta, dhanka kale waxaa cuduro laga talaalay 28 milyan oo neef” ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya.

Istaraatiijiyadda Xanaanada Xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha oo la tashiyada la sameysay Wasaaradaha dowlad gobaleedyada ee Xannaanada Xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka oo qayb ka ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Previous Post

Siminaar ku saabsan ka hortagga fikirka xagjirka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi xaqiiq raadin ah

Next Post
Arxanlaawe qiil ma leh (Warbixin)

Akhriso: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi xaqiiq raadin ah

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In