Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Dardar-gelinta Qorsha Deyn Cafinta Dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee looga hadlo dar-dargelinta qorshaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Shirka oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiiru-dowladaha wasaaradda maaliyada, agaasimaha guud iyo agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo guddoomiyaha guddiga maaliyadda baarlamaanka, xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Kulanka intii uu socday ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog laga siiyay heerarka kala duwan ee la soo maray, meesha hadda uu marayo qorsha cafinta deymaha, waxaana aad loo falanqeeyay guulaha la gaaray, sida ugu habboon ee dowladda federaalku uga soo bixi karto shuruuda ku xiran wareega afaraad ee qorshaha daynta dalka looga cafinayo (SPM4), heshiiyada ay wada galeen dowladda iyo hey’adaha maaliyadda adduunka iyo shuruucda lagama maarmaanka u ah deynta cafinta ee baarlamaanka laga doonayo in ay meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradda maaliyadda, hey’adaha qaybta ka ah ka shaqeynta qorshaha deyn cafinta iyo guddigii loo xil saaray dhammeynta qorshaha dalka daynta looga cafinayo in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan buuxinta shuruudaha, si guul looga gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shurudihihii ku xirnaa SMP1, SM2 iyo SMP3, waxaana dhammaan hey’adaha maaliyadda dunida iyo wadamada deymaha ku leh Soomaaliya ay ammaaneen sida dowladda ay uga go’antahay ka mira dhalinta qorshaha deyn cafinta dalka oo heer aad u wanaagsan soo gaaray.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo gaaray dalka Koonfur Afrika+Sawirro

Next Post

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala+Sawirro

Next Post
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala+Sawirro

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka howlgala+Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In