Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray xarumo Booliisku Is-xilqaan ku dhisayaan”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray xarumo Booliisku Is-xilqaan ku dhisayaan”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray xarunta laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo taallada Dhagax-tuur oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeeray xanuta tababarka Booliiska ee Gen. Kaahiye oo taliska Booliisku ay ka dhisanayaan guri loo diyaarinayo soo dhawaynta martida.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Taliska Booliiska  Soomaaliyeed ayaa is-xilqaan ku dhisaya xarumaha laanta ilaalinta canshuuraha, xarunta hoggaanka ciidanka Daraawiishta booliiska iyo guriga martida ee Gen. Kaahiye iyada oo taliska Asluubtu uu gacanta ku hayo dhismaha taallada Dhagax tuur oo gebagebo maraya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa talisyada booliiska iyo Asluubta ku  bogaadiyay dib-u-dhiska dalka iyo gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqaynta sugidda amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu ku jiray kormeerka waxa uu xerada tababarka booliiska Gen. Kaahiye ku booqday ciidamo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda oo lagu qabtay xarunta taliska qaybta guud ee gobalka Banaadir, ayna ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda amngia gudaha, maamulka gobalka iyo taliska Booliiska Soomaaliyeed.

Previous Post

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo Sheegey in dib u dhis ay ku bilaabayaan aargada degmadda Qoryooley “Sawirro”

Next Post

Dalka Mali oo looga dhawaaqay 3-cisho oo baroor-diiq ah

Next Post
Dalka Mali oo looga dhawaaqay 3-cisho oo baroor-diiq ah

Dalka Mali oo looga dhawaaqay 3-cisho oo baroor-diiq ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In