Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Wufuud Ka Qayb Gashay Shirka Caalamiga Ah Ee Waxbarashada Sare

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Wufuud Ka Qayb Gashay Shirka Caalamiga Ah Ee Waxbarashada Sare
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare oo dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qabanqaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rejada wanaagsan ee jirta iyo dawrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahadceliyay ka qayb galkooda shirkaan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo sameeyay, iyada xubnaha wafdiga qaarkood oo sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, iyaga oo ballan qaaday warbixinta horumarka ay dalka ku arkeen gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Previous Post

Filim-qaadihii Daacish oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay.

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  “Sawirro”

Madaxweyne Farmaajo oo dalacsiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed  “Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In