Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Brussels kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Brussels, May, 03, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda.

Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.

Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la ansixinayaa dhamaadka Bishaan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa.

 

Previous Post

Guddoonka Gobolka Banaadir oo munaasabad u sameeyey Da’yartii Xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika

Next Post

Weerar Naftii halignimo ah oo ka dhacay Dalka Liibiya

Next Post
Weerar Naftii halignimo ah oo ka dhacay Dalka Liibiya

Weerar Naftii halignimo ah oo ka dhacay Dalka Liibiya

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In