Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay Haweenka Koofur Galbeed

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kheyre oo la kulmay Haweenka Koofur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Haweenka Koofur Galbeed ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan, si ay u qaataan doorkooda ku aaddan adkaynta Dowladnimada iyo horumarinta Dalka.

Mudane; Kheyre, oo Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa caddeeyay in Haweenka Soomaaliyeed ay dul-qaad badan yihiin, qeyb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta Ummadda xilligii ay xaaladdu adkeyd.

Wuxuuna kula dardaarmay in ay midoobaan, wada-shaqeeyaan, oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuudna ay ka noqdaan ka dhabeynta rajada Dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay Boqolkiiba Konton ka yihiin Bulshada, aqoonna Ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayn in Dalku uu horumar gaaro, adduunyadana la tartamo haddii Haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Haweenka kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan sugidda amniga, Ciidankana ku dhiirri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si Bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku hallayn karo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay doorka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga Dalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

Next Post
Howl-gal lagu dilay Hor-joogayaal Al-Shabaab ahaa oo ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay Shabeellaha Hoose

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In