Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa boqolaal shacabka xeebta Liido kula damaashaaday, si uu dareensiiyo in dowladda ka go’an tahay inay la qaybsato shacabkeeda xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana waxa uu ka dhageysanayey fikirkooda ku aadan qaabka ay doonayaan in dalkeena lagu hogaamiyo.
Mudane Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa shacabkii ku sugnaa xeebta oo u badnaa dhallinyaro ayaa mid mid u waydiiyey sida ay doonayaan in ay dowladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u dareeensiiyey in dowladda ay ku shaqayneyso aragtida wanaagsan ee bulshada
Ganacsato xeebta ku haysta ganacsiga yar ayuu Ra’iisul waasaare Kheyre ku dhiiri gelinayey inay shaqadooda wataan , kala xogwareystay hadii ay jirto caqabado haysta oo ka hor imaanaya in ay siiwataan ganacsigooda .
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xeebta Liido kula hadlay dadkii uu kula kulmay xeebta ayaa tilmaamay in Xukumadda ay ku shaqayneyso rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , si looga miro dhalliyo halbeega Xukumadda ee karti iyo hufnan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa afaafka hore ee Tiyaaratarka Qaranka waxa uu kula kulmay dad naafo ah oo xilligaasi hor fadhiyey laaamiga, isagoo la qaybsanayey daruufta haysata oo sababtay in qaraxda ay fariistaan waana uu ka farxiyey.