Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed “In doorashadu nabad inoogu dhacdo faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka go’antay qabsoomidda doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon.

Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd.

Related posts

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

“Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladaha uu dalka soo maray

Next Post

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay falkii argagixiso ee waddada Muqdisho – Afgooye

Next Post
Maxamed Ibraahim Macallimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay falkii argagixiso ee waddada Muqdisho – Afgooye

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa maanta codkeeda ka dhiibatay Seejada Xarunta...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

December 25, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayso Marwada Koowaad ee dalka Marwo...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

December 25, 2025
0

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo ku hadlaysa magaca dhammaan diblumaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhiibtay codkiisa doorashada Golaha Deegaanka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In