Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed “In doorashadu nabad inoogu dhacdo faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka go’antay qabsoomidda doorashada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayey gaba gabada madasha aragti wadaagga machadka Heritage oo Garoowe sanadkan lagu qabtay ayaa sheegay in dawladdu ay ahmiyad wayn siinayso sidii doorashada soo socota ay dalka uga dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xasiloon.

Waxa uu sheegay in geedi socodka dawlad dhisidda Soomaaliya uu soo socday 20-kii sano ee ugu dambeeyey, soona maray marxalado kala duwan oo horu socod leh, haatana loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo sidii dawladnimadu horu ugu soco lahayd.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in dowladda ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ugu horeyso, arrimaha dhaqaalaha, Waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.

“Fawdo ayaanu ka nimid, meel dheer baanu ka nimid, fawdana doooni mayno, in doorashadaasi nabad inoogu dhacdo, si nabad ahna loogu dareero faa’iidey u tahay qof kasta oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Mudane Mahdi ayaa Madaxweynaha Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixinayaan sidii la isugu soo dhawaan lahaa, hannanka doorashaduna uu u noqon lahaa mid lagu wada kalsoonyahay, iyadoo la xalinayo tabashooyinka dhinacyada doorashada danaynaya qaarkood ay qabaan.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladaha uu dalka soo maray

Next Post

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay falkii argagixiso ee waddada Muqdisho – Afgooye

Next Post
Maxamed Ibraahim Macallimuu oo loo magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay falkii argagixiso ee waddada Muqdisho – Afgooye

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In