Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo magaalada Aswan u jooga ka qayb galka madasha Aswan ayaa kulan doceed la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Canada, François-Philippe
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo François-Philippe, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Canada
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo xariir ah oo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa ay la yeelanayaan qaar kamid ah mas’uuliyiinta ka qayb gelaysa shirka madasha Aswan ee nabadda iyo horumarka waara ee maanta ka furmay Masar.