Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shir Dhex Maray Dowladda iyo Qaramada Midoobay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo sii wadidda taageerada Qaramada Midoobay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Qaramada Midoobay uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, lana sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay si loo hagaajiyo qorshaha adeegyada bulshada ee muhiimka ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeynayaan gaaridda hormar ballaaran oo hormuud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay UNDP, WFP, UNOPS, UNHCR, UNIDO, UNICEF, UNFPA, World Bank, FAO, IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO.

Previous Post

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo laga shiray

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Madaxweynaha Puntland oo daah- furay mashruuca waxbarashada Ifiye “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In