Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo Kormeeray dhismaha Xabsiga Guud ee Muqdisho oo La Dhamaystiray+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka asluubta, xeer ilaaliyaha qaranka iyo wasiirka caddaaladda ayaa maanta booqday xabsiga guud ee Muqdisho oo laga hir-geliyay Taliska Guud ee Asluubta oo ku yaalla Ex-kaantarool Afgooye.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo mas’uuliyiinta kale ee la socotay ayaa soo indha-indheeyay dhammaan qaybka uu ka koobanyahay xabsigaan oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dhamaystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, taas oo meesha ka saaraysa dhibaatooyinkii maxaabiistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dawladda ay waajib ku tahay ilaalinta xuquuqaadka maxaabiista, xabsiga guud ee dhismihiisa la dhamaystirayna uu noqonayo halbeegga dhismaha xabsiyada kale ee dalka si iyana loo gaarsiiyo heerka xabsiyada caalamiga ah, waxa uuna u mahadceliyay dhammaan hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay dhismaha xabsiga.

Halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leedahay Tubta Amniga iyo caddaalada ayaa waxaa kamid ah hagaajinta xabsiyada dalka, waxa uuna sheegay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalku in ay guul wayn tahay in halbeeg kamid ah halbeegyadii muhiimka ahaa uu maanta fulay.

Xabsiga Guud oo loo qorsheeyay in lagu yareeyo culayska ka jiray xabsiyada dalka gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa si rasmi ah u shaqo billaabaya Jenaury 22, 2019.

Dawladda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ahaaneed siisay hannaanka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiir Beyle oo la kulmay Safiirka Mareynkanka ee Soomaaliya+Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In