Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mduane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo maanta ka qayb galay shir waynaha  culimada Soomaaliyeed, ayaa ku booriyay culimada in ay aas aasaan Golaha culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

Khudbad uu shirka ka jeediyay ayuu ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Culimadu waligeed ay dawr muhiim ah ku lahaayeen aas aaska, horumarinta iyo hagidda dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed, hadana laga doonayo, iyaga oo midaysan in ay kala shaqeeyaan dawladda dhismaha dawlad wanaagga iyo hir-gelinta dastuur heshiis lagu yahay oo aasaas ay u tahay shareecada Islaamka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in ay dalka ka jirto dhibaato amni oo salka ku haysa afkaar qaldan, sida kaliya ee looga guulasayn karaana ay tahay in culimadu iyaga oo wadajira ay dawrkooda ka qaataan oo umadda u sheegaan dhibaatada uu leeyahay fikirka xag-jirnimada ku salaynsan.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka dalbaday culimada Soomaaliyeed in ay si wadajir ah uga hor tagaan arrimaha shareecada ka hor imaanaya, Horumuudna ay u noqdaan horumarka dalka iyo  dib-u-heshiisiinta, isaga oo intaa raaciyay In ay muhiim tahay in culimo, shacab iyo dawladba ay isu kaashadaan hir-gelinta natiijada kasoo baxda shir waynaha  culimada Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay furay Shir waynaha Culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo kaalinta culimada Soomaaliyeed ee Geedi Socodka Amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka, ayna ka soo qayb galeen Culima Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Masar kaga qayb-gelaya Shirka Midowga Afrika ee Xaaladda Dalka Suudaan

Next Post

Soomaaliya oo markale sheegtay inay taageersan tahay sharciyadda Falastiin ee samaysashada dowlad madax banaan

Next Post
Soomaaliya oo markale sheegtay inay taageersan tahay sharciyadda Falastiin ee samaysashada dowlad madax banaan

Soomaaliya oo markale sheegtay inay taageersan tahay sharciyadda Falastiin ee samaysashada dowlad madax banaan

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In