Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo u hambalyeeyay SNTV

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo u hambalyeeyay SNTV
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Munaasabad lagu xusayay 35 Sana guuradii kasoo wareegatay asaaskii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Munaasabaddan oo ay kasoo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada wasaaradda, Wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xildhibaannada Labada Aqal, Maamulka Gobolka Banaadir , waxanay dhammaantood si qoto dheer ugu hadleen marxaladihii kala duwanaa ee uu TV-ga qaranku soo maray iyo howlaha dardarta leh ee haatan ka socda, iyadoo halkaasi qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu gudoonsiiyay shahaado sharaf.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (khadar) ayaa hambalyo diirran u diray 35 guuradii kasoo wareegatay asaaskii TV-ga Qaranka Soomaaliyeed oo dhidabbada loo taagay Sanaddii 1983-dii.

Mudane Mahdi Maxamed Guulwed ayaa sheegay inay warbaahinta Qaranku guud ahaan kaga duwan tahay Warbaahinta kale ee gaarka loo leeyahay masuuliyad iyo inuu Wariyuhu ka fakaro xilka Qaran iyo kan Bulsho ee saaran, taasoo ay ku dheehan tahay waddaniyad dheeri ah, halka ay warbaahinta kalena inta badan waxba faaf reebin.

“Taleefishinka Qaranku waxa uu kaga duwan yahay warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo baraha Bulsha waxaan la yidhaa, in Qofka isagoo aan faaf reebin, aan wixii xanaf leh ka reebin uu Wabsayd yada soo dhigo ama Taleefishinka gaarka loo leeyahay, halka kan Dowladduna uu ka tarjumayaa mar walba aragtida iyo aqliga ku dhisan dib u dhiska Qaranka, ayuu yiri mudane Khadar”.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa intaa raaciyay inay warbaahinta Qaranku tahay hage bulshada ku hanuuniya tubta toosan, wacyi gelin ay qayb weyn ka yihiin Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay mid had iyo goor ka shaqaysa wada jirka iyo mideynta Ummadda Soomaaliyeed.

Taleefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo soo maray Marxalado kala duwan ayaa meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaana dib loo howl-geliyay Sanaddii 2011-kii, iyadoo ay marba marka ka dambeysa sare usii kacaysay tayadiisa iyo howlaha uu bulshada u hayo.

Previous Post

Ciidamadii maanta gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka oo lasoo qabtay

Next Post

Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia

Next Post
Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia

Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In