Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Warbixinno Ka Dhagestay Wasiirada Qaar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Oo Warbixinno Ka Dhagestay Wasiirada Qaar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka caddaaladda iyo garsoorka madaxa bannaan oo looga hadlay qaabkii Caddaalad iyo garsoor loo gaarsiin lahaa goobaha laga xorreeyey Argagixisada.

Kulanka, ayaa warbixinno looga dheggaystay hay’adaha ka tirsan tiirka Caddaaladda iyo Garsoorka. Wasaaradda Caddaaladda,ayaa soo bandhigtay qorshaha adeeg Garsoorka oo deg-deg ah loo gaarsiin lahaa deegaanadii dhawaan laga xorreeyey Argagaxisada Al-Shabaab.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Sido kale xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa soo bandhigay hannaankii ay uga hawl gali lahaayeen deegaanada laga xorreeyey cadowga, Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqal Insaanka ayaa dhinaceeda soo gudbisay warbixin ku saabsan guddiga xuquuqal insaanka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda ee deegaannada cadowga laga saaray sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimmka u ah dadka deegaanka isla markaana looga hirgalin lahaa maamul iyo kala danbayn.

Previous Post

Madaxweynaha JFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Uganda

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Netherlands

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In