Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Afrika

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Itoobiya oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Geeska

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Afrika
0
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Itoobiya oo la kulmay  wakiilka Midowga Afrika ee Geeska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

June 3, 2025
Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ”Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya heshiisna lama gali karo dal sida Ethiopia“.

January 12, 2024

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka dalka Itoobiya ayaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka si ay u dardargeliyaan wadahadalada xabbad-joojinta, iyadoo Dowladda Ethiopia ay ogolaatay in 369 baabuur oo gargaar ah ay galaan gobolka Tigray ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Jeffrey Feltman iyo Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika ayaa shalay gaaray Dalka Ethiopia waxaana labada ergey ay doonayaan in xukuumadda iyo ciidamada kacdoonka wada ee Tigreega iyo xulafadooda ay ku dhawaaqaan xabbad- joojin shuruud la’aan ah, si gargaar loo gaarsiiyo dadka degan deegaannada Waqooyiga Itoobiya ee ay dagaaladu saameeyeen.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa markii dambe la kulmay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen.
“Intii lagu jiray wadahadalkooda, Demeke wuxuu shaaca ka qaaday in duullimaadyada bini’aadantinimo loo oggolyahay Lalibela iyo Kombolcha, waxaana intaas dheer in 369 baabuur oo gargaar ah loo oggolaaday inay galaan Tigray,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Twitterka waaxda agaasinka warfaafinta ee dowladda Itoobiya.

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay maamulaan Lalibela iyo Kombolcha oo ka tirsan dhulka Axmaarada, sidoo kale waxay u dhaqaaqeen qaybo ka mid ah gobolka Canfarta.

Ku dhawaad 400,000 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku nool yihiin xaalad macaluul ah gobolka Tigray, halkaas oo Qaramada Midoobay ay maalinnimadii shalay aheed sheegtay inay awoodi waysay inay cunto geyso muddo bil ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in inta badan hooyooyinka uurka leh iyo kuwa nuujinaya ee halkaas ku sugan ay hayso nafaqo-darro ba’an.

Dowladda Ethiopia ayaa beenisay eedeymaha uga yimid saraakiisha Qaramada Midoobay ee ah in ay wado go’doomin dhab ah.

Hogaamiyayaasha xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa doonaya in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu xilka ka dago, gargaar bini’aadantina uu galo Tigrayga. Dawladdu waxay doonaysaa in ciidamada Tigreega ay ka baxaan dhulka ay ka qabsadeen gobollada deriska la ah.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka 6-Aad ee Madasha Shacuubta Shiinaha iyo Afrika.

Next Post

Maamulka Caabudwaaq oo booqday qoosas reer guuraa ah oo hayaan  ku yimid deeegaanka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Caabudwaaq oo booqday qoosas reer guuraa ah oo hayaan  ku yimid deeegaanka “SAWIRRO”

Maamulka Caabudwaaq oo booqday qoosas reer guuraa ah oo hayaan  ku yimid deeegaanka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In