Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Kormeeray Wasaaradda Qorsheynta.”Sawirro”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo 1 Milyen oo dollar ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay la socdaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda tubaha qaranka ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kormeerka ugu kuur gelayay wixii wasaaradda ugu qabsoomay ballamadii Ra’iisul Wasaaraha ay la galeen ee ahaa in shaqooyin badan oo qayb ka ah halbeegyada ay ku leedahay Tubaqa Qaranka in sannadkaan 2019 ay ku qabanayaan.

Intii uu kormeerku socday ayaa wasiirka qorsheynta XFS waxa uu warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka shaqooyinka u qabsoomay iyo howlaha qabyada u ah ee ay doonayaan in ay ku qabtaan xilligii loo qorsheeyay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka, iyo dhammaan agaasimayaasha in ay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka mira dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan.

Previous Post

Madaxweynaha K/Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool+SAWIRO

Next Post

Qaramaynta Ciidamada Ahlu-Sunna waa astaan Dowladnimo

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna “Sawirro”

Qaramaynta Ciidamada Ahlu-Sunna waa astaan Dowladnimo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In