Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo maanta kormeeray qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo maanta kormeeray qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda “SAWIRRO”

User comments

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 04, July, 2015….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu horayntii booqday Wasaardda Arrimaha Dibadda oo ay dhismaha wada dagan yihiin Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada Caafimaadka, waxaana uu kulamo la qaatay wasiirada iyo agaasimayasha wasaaradahaas, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

“Waxaan maanta booqday 5 wasaaradood, ujeedkuna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuurgalida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dowladda, waxaana runtii iig muuqatay shaqaalaha niyad sami iyo fir fircooni, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay’adaha dowladda, kormeerkan hadda ka dib wuxuu noqonayaa mid joogta ah,. waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo intii aan ku jirnay kormeerka si wanaagsan amniga u sugayey” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha, waxayna u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  duruufaha ka jira Wasaaradahooda iyo horumarada ay sameeyeen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenku wuxuu balan qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaraddaha oo qaarkood ku shaqeeya dhismayaal ay leeyihiin wasaarado kale.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa booqashadiisa ku soo afmeeray wasaaradda maaliyadda, wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay Wasiirka Maaliyadda, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada, waxayna warbixin ka siiyeen horumarada ay ku talaabsatay wasaaradu sanadihii ugu danbeeyey,

“Waa talaabo horumar leh in maanta dalkeenu marayo in madaxda Qaranka iyagoo xafiisyadooda jooga ay ogaan karaan dakhliga dalka soo galay iyo sida uu ku baxay maalin kasta, taas oo ay kula soconayaa qaab ONLINE ah,  waxa kale oo aan ku faraxsanahay in dakhlii uruurintu kor u kacday,  waxaana sababtay wada shaqyanta Wasaardda iyo Hanti Dhowrka Guud, hadii aan doonayno bisha aakhirkeeda inaan mushaar bixino, waa in canshuurtu soo xarooto, waaana inaan dadka ku celino canshuurta laga qaaday adeegii loogu qaban lahaa, amaanada naloo dhiibay waa inaan u maamulno sidii nalogu dhiibay, dadkuna waa inay ogaadan in canshuurta bixinteeda ay muhiim tahay sare u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri mudane Carte.

—DHAMAAD—

User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments

maaliyada

Previous Post

Maxamed Xaashi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In