Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo maanta kormeeray qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo maanta kormeeray qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda “SAWIRRO”

User comments

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 04, July, 2015….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa booqashooyin ku soo kala bixiyey Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Batrooolka iyo Wasaaradda Maaliyadda, si loogu kuur galo habsami u socodka shaqada iyo si uu ugu dhiiri galiyo howl wadeenada Wasaaradahaas iney laba laabaan shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ugu horayntii booqday Wasaardda Arrimaha Dibadda oo ay dhismaha wada dagan yihiin Wasaarada Qorshaynta iyo Wasaarada Caafimaadka, waxaana uu kulamo la qaatay wasiirada iyo agaasimayasha wasaaradahaas, isagoona mid-mid u booqday xafiisyada shaqaalaha oo xiligaas ku guda jiray shaqadoodii maalin laha ahayd.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

“Waxaan maanta booqday 5 wasaaradood, ujeedkuna waa ka warqabida habsami u socodka shaqada iyo u kuurgalida duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dowladda, waxaana runtii iig muuqatay shaqaalaha niyad sami iyo fir fircooni, taasna waxay dhiiri galinaysaa in la hormariyo hay’adaha dowladda, kormeerkan hadda ka dib wuxuu noqonayaa mid joogta ah,. waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa ciidamada kala duwan ee qalabka sida oo intii aan ku jirnay kormeerka si wanaagsan amniga u sugayey” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenku.

Dhanka kale intii uu ku guda jiray kormeerka wuxuu ka dhagaystay warbixino Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha, waxayna u soo gudbiyeen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  duruufaha ka jira Wasaaradahooda iyo horumarada ay sameeyeen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenku wuxuu balan qaaday inuu la tashi kala samaynayo sidii wax looga qaban lahaa cabashooyinka ka jira golaha wasiiradda, warbixina ka siinayo waxyaalaha uu ku soo arkay wasaaraddaha oo qaarkood ku shaqeeya dhismayaal ay leeyihiin wasaarado kale.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa booqashadiisa ku soo afmeeray wasaaradda maaliyadda, wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay Wasiirka Maaliyadda, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada, waxayna warbixin ka siiyeen horumarada ay ku talaabsatay wasaaradu sanadihii ugu danbeeyey,

“Waa talaabo horumar leh in maanta dalkeenu marayo in madaxda Qaranka iyagoo xafiisyadooda jooga ay ogaan karaan dakhliga dalka soo galay iyo sida uu ku baxay maalin kasta, taas oo ay kula soconayaa qaab ONLINE ah,  waxa kale oo aan ku faraxsanahay in dakhlii uruurintu kor u kacday,  waxaana sababtay wada shaqyanta Wasaardda iyo Hanti Dhowrka Guud, hadii aan doonayno bisha aakhirkeeda inaan mushaar bixino, waa in canshuurtu soo xarooto, waaana inaan dadka ku celino canshuurta laga qaaday adeegii loogu qaban lahaa, amaanada naloo dhiibay waa inaan u maamulno sidii nalogu dhiibay, dadkuna waa inay ogaadan in canshuurta bixinteeda ay muhiim tahay sare u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri mudane Carte.

—DHAMAAD—

User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments

maaliyada

Previous Post

Maxamed Xaashi Cabdi oo ku guuleystay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In