Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirada cusub ee Isgaarsiinta iyo Tamarta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirada cusub ee Isgaarsiinta iyo Tamarta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Jaamac ayaa xilalka u kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaanqaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay muddo yar ku sameysay horumarro waa-weyn oo ay kamid yihiin sameynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac,  ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto jaban

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo arrimaha siyaasadda iyo ammaanka kala hadlay Wakiilka Q.M

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Siihayaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Siihayaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Siihayaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Daah-furay madal lagu xoojinayo horumarinta beeraha Dalka

April 1, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 01 Abriil 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

April 1, 2026
0

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

April 1, 2026
0

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In