Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynihii 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Dalka”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynihii 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Dalka”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeynka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaan Maanta Magaalada Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Daahfurka shirweynaha waxbarashada Dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada xukuumadda  Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay, xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa adeeg wax barasho oo dhameys tiran.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed , ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay muhiimadda horumarinta waxbarashada Dalka, wuxuuna madaxda wasaaradda ku ammaanay horumarinta waxbarashada iyo dhameys tirka manjah wax tar leh.

Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane ; Cabdullaahi Goodax Barre oo ka hadlay shirweynaha Shanaad ee dib u eegista wax barashada Dalka iyo qorshaha u degsan wasaaradda,

“Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay qorshaha wasaaradda wax barashada Soomaaliya iyo waxyaabaha dhameys tirka u baahan.

 

Previous Post

Guddoomiyaha golasha Shacabka Soomaaliya oo gaaray Xuddur “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha cusub ee Xamar Jajab oo xilka la wareegay "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In