Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare ku-xigeenka oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland “Sawirro”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka oo qaabilay wafdi ka socday Switzerland “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, October 6, 2015——-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah khabiir dhanka arrimaha Federaalka, waxaana kulanka labada dhinac diirada lagu saaray habka Federaal ee ugu haboon ee Soomaaliya lagu dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo dowladdaha caalamka ee qaatay Federaalka ay ku dhaqmaan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Labada dhinac ayaa si qota dheer isula eegay noocyada kala duwan ee Federaalka, waxaana tusaale ahaan ay u soo qaateen 5-ta tiir ee habka Federaalka udub dhexaadka u ah.

Danjiraha dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher oo goobta ka hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli laheyd Nidaam Federaal oo ku haboon, maadaama caalamku ku dhaqmo noocyo kala duwan oo Federaal ah “Waxaan arrintan u xilsaarnay khubaro ku xeel dheer arrimaha Federaalka, waxaana rajeyneynaa in la helo habka ugu haboon ee Federaal ee Soomaaliya ay ku dhaqmi karto” ayuu yiri Danjiraha Switzerland isaga oo intaasina raaciyay in dhanka dhaqaalaha ay gacan ka geysanayaan fulinta qorshahan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh oo iska kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo xubnaha khubarada ah ee la socda isku daygooda sidii loo heli lahaa Nidaam Federaal ah oo ku haboon dalka Somaaliya, wuxuuna xusay in Xukuumada Soomaaliyeed oo kaashaneysa hay’addaha ay khuseyso arrinkan ay ku dadaaleyso sidii looga talo gelin lahaa, si ugu dambeynta loo helo habka ugu haboon ee Federaal ee dalka Soomaaliya lagu dhaqo.

—DHAMMAAD—–

DSC06532 DSC06534 DSC06541 DSC06542 DSC06544 DSC06545 DSC06548 DSC06549 DSC06551 DSC06559 DSC06562 DSC06565 DSC06571 DSC06575 DSC06581 DSC06583 DSC06584 DSC06590 DSC06591 DSC06592 DSC06593 DSC06595 DSC06601 DSC06607 DSC06609 DSC06610 DSC06612 DSC06615 unnamed (1) unnamed (2) unnamed

 

Sawir qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

Previous Post

Hay’adda Nabad sugidda oo faah faahin ka bixisay xarigga wariyayaasha Universal TV

Next Post

Wasiirro ka qeyb galay munaasabad shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday

Next Post

Wasiirro ka qeyb galay munaasabad shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In