Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka oo cadeeyay in ka-hortagga Musiibooyinka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka qeyb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen wasiirka iyo wasiir kuxigeenka Cusub ee wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in wasaaraddu ay muhiimad Ballaaran u leedahay Bulshada Soomaaliyeed, loogana baahanyahay wasiirka cusub, kuxigeenkiisa iyo dhamaan howl-wadeennada kale in ay u istaagaan sidii howlaha horyaalla ay guul uga gaari lahaayeen.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu sheegay in bulshadeenna ay heestaan dhibaatooyin xoog badan oo ay kamid yihiin abaaro iyo daadad oo mid waliba ay bulshada ku keento barakac, Qaxootinnimo iyo Xoola beel, waxuuna sheegay in dhibaatooyinkaas wax badan laga qaban karo hadii lees kaashado wasaaradduna ay dawrkeeda qaadato maadaama loo dhisay in arimahaas ay la fal gasho una maareyso sida ugu haboon.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Dalkeenna waxaa dhibaata xooggan ku haya abaaro iyo daadad. Waxaa Muhiim u ah bulshadeenna in laga hor-tago Musiibooyinkaas. Waa in aan ka fakarnaa sidii biyo xireenno loo sameyn lahaa si biyaha dhibaatadooda looga badbaado loogana faa’iideesto”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka Cusub ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Xamza Siciid Xamza iyo kuxigeenkiisa, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xassan, waxa ayna ballan qaadeen in ay xoogga saarayaan sidii ay u gudan lahaayeen masuuliyadda weyn ee loo dhiibay si bulshada Soomaaliyeed looga bad-baadiyo Musiibooyinka soo noqnoqday

Previous Post

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabatay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In