Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda oo la kulmay Guddiga Gurmadka Gobolka Sool+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda oo la kulmay Guddiga Gurmadka Gobolka Sool+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahadi Maxamed Guuleed ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Guddi dhallinyaro iyo culimo ah oo ka soo kicitamay Gobolka Sool, kuwaas oo si isxilqaan ah isugu soo duba-riday howlihii gurmad ee bulshada Gobolkaasi ay kaga qeyb qaadanayeen gurmadka walaalaha Baladweyne.

Raiisul Wasaare Kuxigeenka ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka Sool dareenka wadaniyeed ee ay u muujiyeen walaalahooda ay saameeyeen fatahaaduhu, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyey culimada iyo dhallinyarada isu xilqaamay arrinkan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale oo kulankan kalmad ka jeediyey ayaa tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay leedahay in dadka Gobollada Waqooyi ay la qeybsadaan walaalahooda kale ee dalka duruufaha soo food saara, taas oo xoojinaysa isdhexgalka bulsho iyo midnimada.

Sidoo kale, Xubnaha Guddigan ayaa kulan la yeeshay Guddiga Qaran ee Fatahaadaha, waxa ayna uga warbixiyeen gurmadka ay wadaan iyo dareenka dadka Gobollada Sool iyo Sanaag ee ku aaddan dhibaatada soo gaartay walaalahooda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo.

Dhanka kale, Guddiga Gurmadka Sool waxa ay kulan la qaateen Xildhibaannada Deegaanka, masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee ku nool Muqidsho.

    

Previous Post

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo shaagey in dhawaan ay bilaaban doonto soo xulista Baarlamanka  labaad ee KGS.

Next Post

Diiwaan galin ciidamada xoogga dalka ayaa ka socota degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo

Next Post
Diiwaan galin ciidamada xoogga dalka ayaa ka socota degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo

Diiwaan galin ciidamada xoogga dalka ayaa ka socota degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In