Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha iyo Howlwadeennada Wasaaradda “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha iyo Howlwadeennada Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha iyo Howlwadeennada Wasaaradda “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In