Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amiirka Iyo Shacabka Dalka Kuweyt Gaarsiiyey Dhambaalka Tacsida DFS Ee Geeridii Amiir Sabaax “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Amiirka Iyo Shacabka Dalka Kuweyt Gaarsiiyey Dhambaalka Tacsida DFS Ee Geeridii Amiir Sabaax “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Kuwait u tagay in uu hoggaanka iyo shacabka Kuwait gaarsiiyo tacsida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Sheikh Sabaax AlAxmed oo ahaa hoggaamiye aragti dheer oo isaga iyo shacabkiisaba uu xiriir wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi kala dhexeeyo shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo garowsan kalgacaylka walaaltinimo ee Amiir Sheekh Sabaax Al-Axmed uu u hayey shacabka, dowladda iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay adkeynta xiriirka Labada dal, waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo lana sii horumariyo dhaxalka diblumaasiyadeed ee marxuumku uu uga tagay labada dowladood.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Soo Agaasimay Madal Looga Hadlayay Horumarinta Ganacsiga Caasimadda Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Xariga Ka Jaray Qeyb Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay CID

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Xariga Ka Jaray Qeyb Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay CID

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Oo Xariga Ka Jaray Qeyb Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay CID

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In