Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddiyada Doorashooyinka faray inay deg deg ku bilaabaan dooorashada Kuraasta Golaha Shacabka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Guddiyada Doorashooyinka faray inay deg deg ku bilaabaan dooorashada Kuraasta Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka labada heer, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada. Isagoo la hadlayay guddiyada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisu Wasaare Rooble ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Previous Post

Niger: 26 carruur ah oo ku geeriyootay dab qabsaday goobtooda Waxbarashada

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dhismaha cusub ee ka socda Isbitaalka Laasaleeti “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dhismaha cusub ee ka socda Isbitaalka Laasaleeti “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay dhismaha cusub ee ka socda Isbitaalka Laasaleeti "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In