Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddiyo u magacaabay qabanqaabada bannaanbaxyada Midowga Musharraxiinta iyo Baaritaanka Dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la qaatay Madaxda Midowga Musharaxiinta kulan dhammeystir u ah heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ayaa magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay.

Eng. Rooble ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdan muhiimka u ah dowladnimada dalkeenna, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

“Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.”

Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin;

  1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
    2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
    3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
    4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
    5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
    6. Xuseen Macalin Maxamuud

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Previous Post

Qodobo hor dhac ah oo ka soo baxay shirka u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga murashixiinta

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo marti gelinayo munaasabad lagu dhameystirayo arimaha doorashooyinka.

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo marti gelinayo munaasabad lagu dhameystirayo arimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo oo marti gelinayo munaasabad lagu dhameystirayo arimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In