Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay mashaariic horumarineed oo ka socota Balcad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeer ku tegay mashaariic horumarineed oo ka socota Balcad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqasho uu ugu kuur-galayey xaaladda nololeed ku tagay Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha bulshada oo la wadaagay baahiyaha nololeed ee ka jira deegaanka, qorsheyaasha horumarineed ee ka socda deegaanka iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku xirnaanta dowladda iyo shacabka.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay mashaariic horumarineed oo dowladdu ay ka waddo Balcad iyo guud ahaan Gobolka, kuwaas oo ay ka mid tahay waddada gabo-gabada mareysa ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Injineerrada iyo howlwadeennada ka socda dalka Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha qaar ka mid ah mashaariicdaas ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay warbixin dhammeystiran oo ku saabsan mashaariicda ay wadaan, taas oo rajo gelinaysa koboca nolasha iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiga ee sida nafhurnimada leh ugu howlgalay hirgelinta iyo dhismaha mashaariicdan, waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin sidii ay dalkooda uga xoreyn lahaayeen argagixisada hortaagan horumarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada, sida buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Previous Post

Somali Diplomatic Institute Organizes its seventh weekly lecture on the History of the Somali language

Next Post

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku baaqay in 16-ka bisha November la bilaabo doorashada Golaha Shacabka

Next Post
Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku baaqay in 16-ka bisha November la bilaabo doorashada Golaha Shacabka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In