Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka hor furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.