Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ayaa ku boorriyey in ay kaalintooda ka qaataan xakameynta iyo la tacaalidda cudurka COVID-19 ee faraha ba’an ku haya dadkeenna.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku booriyay Madaxda ka qeyb gashay shirka inay doorkooda muujiyaan oo ay kaalin mugleh ka qaataan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 oo saameen ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.