Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya @KFosterFCDO oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo Amniga doorashooyinka dalka.
Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha.