Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Sidoo kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray dar-dar galinta mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya iyo inay gacan ka geystaan arrimaha doorashooyinka dalka.