Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida AUN Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida AUN Madaxweynihii hore Cali Mahdi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Mahdi Maxmed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, ehelkii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, waxaan rabaa halkan inaan uga tacsiyadeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid Walaalkeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, waxaan uga tacsiyadeeynayaa dhammaan qoyskiisa, eheladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed, waa geeri xanuun badan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadalkiisa ku daray “Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed waxa uu ahaa ganacsade, wuxuu ahaa nabadoon, wuxuu ahaa siyaasi rug caddaa ah, waana halyeey ka baxay Ummadda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed, qoyskiisa iyo eheladiisaba in uu Ilaahey Samir iyo Imaan ka siiyo, waxaana Alle SWT uga baryayaa janatul fardowso in uu Ilaahey ugu bishaareeyo”.

Previous Post

Taariikh nololeedka Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In