Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay ka wada hadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici lahayd.
Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeya, isagoo faahfaahiyay arrimihii ay isla soo qaadeen.
“Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaan ka wada hadalnay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, doorasho loo wada dhanyahay, in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka ay quseyso saamileyda guud, in doorashada ay noqoto mid lagu kalsoonyahay, Soomaalida oo dhan meelkasta oo ay joogaan ay qeyb ka yihiin, waxaan aad iyo aad uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta iyo qaabilaaddii maanta.” Ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.