Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xuska Maalinta Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed la qaatay Ciidanka ku sugan jiidda dagaalka ee Awdheegle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Rooble oo ciidamada xoogga kula dabaaldegay degmada Awdheegle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xuska aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kula qaatay Ciidanka Milatariga ee jiidda Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa bogaadiyey guulaha isdaba jogga ah ee dhiiranaanta leh oo Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab iyo difaaca dalka oo ay u hurayaan dhiiggooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo iyo bogaadin uga soo jeediyo dhammaan Ciidanka xoogga dalka, oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, srakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, xaasakooda, carruurtoodaba iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

“Guulaha aad ka soo hooyneysaan furimaha dagaalka ee naf-hurnimada leh iyo sida aad u wiiqdeen tabartii argagixisada waxa ay ifaaflo wanaagsan ka bixinaysaa muuqaalka iyo qorshaha dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka oo si dardar leh u socda.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Taliska Xarunta Awodheegle, isagoo dul istaagay xaaladaha nololeed ee Ciidanka, kana dhageystay warbixinno Saraakiisha hormuudka ah oo la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalka ka xoreeyaan argagixisada Alshabaab.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kormeerkan ay ku weheliyeen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa Alle naxariistiisa Janno u weydiiyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday difaaca dalka iyo in ay nabad ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaanna adkeeyey in Xukuumadda ay mudnaan buuxda siineyso qoysaska iyo ubadka ay ka tageen, halka la xoojinayo daryeelka iyo goobaha caafimaad ee halyeeyada u waxyeelooba difaaca dalka.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray xoojinta amniga “SAWIRRO”

Next Post

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Next Post
Somalia’s Parliament votes to return elections to the people

Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo soo dhaweeyey go’aan golaha shacabka uu maanta ka qaatay doorashooyinka Qaranka.

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In