Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta ee ku sugan Buulo-Xaaji

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo  booqday ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta  ee ku sugan Buulo-Xaaji
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan jab xooggan gaarsiiyey maliishiyaadka Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey sida nafhurnimada leh ee Ciidamada Soomaaliyeed ay argagixisada uga xoreynayaan dalka , ayaa ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed la guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee ku jabiyey Khawaarijta deegaannada Jubaland.

Related posts

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026

“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, waxaad ka farxiseen muslimiinta, waxaad rubadda goyseen Khawaarijtii ay ummadda Soomaaliyeed necbaayeen. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in khawaarijta dalka laga xorreeyo oo la tirtiro, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada la xorreeyey geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Khawaarijta, ayaa waxa ay hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa kamid ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidanka X.D.S, Boliiska iyo haween matalayey ololaha Hooyo u hiili Qaranka oo gaarsiiyey ciidanka sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo howlo shaqo u tegay degmada Ceeldheer

Next Post

Soomaaliya oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka Shataranjiga Shaqsiyaadka Qaaradda Afrika

Next Post
Soomaaliya oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka Shataranjiga Shaqsiyaadka Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka Shataranjiga Shaqsiyaadka Qaaradda Afrika

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In