Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa caawa sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre:
Markii uu arkay qodobka 97aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka KMG ah
Markii uu arkay qodobka 98aad farqadiisa 2-aad ee xarfaha A & B ee Dastuurka KMG
Markii uu arkay qodobka 100-aad xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG
Markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dardargeliyo shaqada Xukuumadda
waxa uu isku Shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada.
1. Mudane Biixi Iimaan Cige waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
2. Dr Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
3. Mudane Abuukar Jeylaani Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
4. Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta
Wasiirada cusub ee la magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.