Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Qaranka Shiinaha, Mudane He Wei.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celiyay in saaxiibtinimada xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay tahay mid xooggan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in saaxiibtinimadan loo beddelo iskaashi wax ku ool ah oo si toos ah u taabanaya shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Mudane Xamsa ayaa xusay in kor u qaadistii dhawaan lagu sameeyay xiriirka labada dal ee la gaarsiiyey heer Iskaashi Istiraatiiji ah ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah labada shacab, isla markaana loo baahan yahay in loo rogo faa’iido dhab ah. Wuxuuna caddeeyay in go’aanka Soomaaliya ee ah in ay sii xoojiso kalsoonida siyaasadeed ee labada dal iyo ku adkaysiga mabda’a Midnimada Shiinaha (One-China Principle) uu yahay mid cad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ugu diyaar tahay ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida kalluumeysiga, beeraha, tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta awoodda bini’aadamka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa iftiimiyay in horumarka Soomaaliya ku tallaabsatay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan cafinta deymaha, dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta amniga, iyo ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ay Soomaaliya ka dhigayaan mid lagu kalsoonaan karo dhan walba.

Mudane He Wei, ayaa dhankiisa bogaadiyay adkaysiga Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay sida Shiinuhu diyaar ugu yahay in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya si loo fuliyo qodobadii lagu heshiiyay kulamadii dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu sii wadi doono taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socday Suudaan

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In