Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.
Mudane Xamsa ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka u magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye halka Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta uu u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta la magacaabay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.