Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

November 8, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025

Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha dhammeystirka maamul goboleedka SSC-Khaatumo

Next Post

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Next Post
Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

November 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka...

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In