Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socday Jarmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Dowladda Jarmalka Mudane Niels Annen, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka Mudane Sebastian Groth, waxa ayna si qotodheer uga wada hadleen danaha ka dhaxeeya labada dal iyo qodobo kale.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee ka jirta dalka, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, dhaqaajinta howlaha doorashooyinka tooska ah ee goleyaasha deegaanka, dhammaystirka dastuurka, iyo gogosha wadahadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka.

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Dhankiisa, Mudane Niels Annen, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isaga oo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ee sii xoogaysanaya.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Amiir Abdulaziz Bin Ayyaf

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr  Cumar Aadan Cadde

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Dr Cumar Aadan Cadde

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In