Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka sare ee Master iyo PhD, ee Jaamacadda University for Peace (UPEACE).

Ra’iisul Wasaaraha oo ugu hambalyeeyey aqoonyahanada qalin-jabiyay dadaalkii dheeraa ee ay u soo galeen, si ay u gaaraan heerkan sare ee aqooneed, ayaa xusay in culuumta ay barteen ay tahay mid muhiim u ah dhismaha dowladnimada, nabadda, iyo horumar waara oo dalkeenna gaaro.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026

“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa horumarka tacliinta sare ee dalka, in aan aragno arday Soomaaliyeed oo dalkooda gudihiisa ku qaadanaya shahaadooyinka sare ee PhD iyo Master, waa guul u soo hoyatay Qaranka. Aqoonyahannada maanta qalin-jabiyey waa kuwii hoggaamin lahaa isbeddelka iyo hal-abuurka uu u baahayahay dalkeenna .” Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey hoggaanka Jaamacadda University for Peace (UPEACE) doorka ay ka qaadanayaan kor u qaadista tayada waxbarashada sare ee Soomaaliya, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta aqoonta, si looga gudbo caqabadaha hortaagan xasilloonida iyo horumarka bulshada.

“Xukuumad ahaan waxbarashada waxaan u aragnaa horumarka nolosha, sidaas darteed Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP2025 – 2029) waxaa tiir dhexaad u ah horumarinta karaanka aadanaha, waxaan aaminsanahay in bulshada wax la baro, Jaamacadaha dalka waxa ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay aqoonyahannada qalin-jabiyey in ay cilmigooda ugu adeegaan dadka iyo dalka, isaga oo carrabka ku adkeeyey in looga fadhiyo in ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagu xasilinayo dalka iyo dib-u-dhiska nidaamka dowladnmada.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Next Post

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray Waddada Sheekh...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

April 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In