Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharmake Maxamed Warsame .
Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay shaqada uu qaranka u hayo Agaasime Sharmaake, kuna dhiiri galiyay dhiirananta iyo sida geesinimada leh ee ay uga go’an tahay u adeeg-gidda Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyed Sharmake Maxamed Warsame ayaa Raisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda iyo dhiirigalinta uu u sameeyey Isaga u rajeeyey in howsha loo igmaday uu Alle u fududeeyo.