Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ra’isulwasaare Ku Xigeenka iyo Wasiirka Dhalinyarada Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Abaal Marinayey Kooxaha Kubadda Cagta “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Ra’isulwasaare Ku Xigeenka iyo Wasiirka Dhalinyarada Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Abaal Marinayey Kooxaha Kubadda Cagta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad abaal marino lagu guddoon siinayey kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka dekedaha, gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, guddoomiyeyayaasha, xiriirada kale ee ciyaaraha iyo masuuliyiin kale.

Kooxda Dekedda oo horyaalkan ku guuleysatay ayaa la guddoon siiyay Koob iyo lacag dhan 184 Milyan oo shilin Soomaali ah, halka kooxda Banaadir Telecom oo gashay kaalinta labaad la guddoon siiyay 94 Milyan oo Shilin Soomaali ah, Kooxda Elman oo iyana kaalinta Saddexaad timid ayaa la guddoon siiyay lacag dhan 46 Milyan oo Shilin Soomaali ah,

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda dowladda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo halkaas ka hadashay ayaa u hambalyeysay dhammaan kooxihii ka qeyb galay Tartanka si gaar ahna kooxda Dekedda oo iyagu sanadkan tartanka ku guuleystay.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa oo iyana Munaasabadda ka hadashay ayaa u hambalyeysay kooxaha kaalmaha hore ka galay horyaalka heerka koobaad ee kubadda cagta Dalkeena waxaana ay sheegtay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta guud ahaan cayaaraha gaar ahaanna Kubadda cagta.

Ra’isulwasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Cayaaruhu waxtar dhinacyo badan leh u leeyihiin bulshada sidaas darteedna Siyaasadda dowladda ay ka mid tahay kor u qaadista iyo dhiiri gelintooda iyo in dib loosoo celiyo dhammaan kooxihii ay lahaayeen Wasaaradaha dowladda,

Kooxda kubadda cagta ee Dekedda ayaa horyaalkan oo ah kii 40-aad ku guuleystay muddo 19 sano kadib.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka Oo Shaaciyey In La Fasaxay Miisaaniyadda Ciidammada Inta Doodu Socoto “DAAWO MUUQAAL”

Next Post

Dowladda Jabuuti oo xaqiijisay in saddex askari ay kaga geeriyootay shil diyaaradeed

Next Post
Dowladda Jabuuti oo xaqiijisay in saddex askari ay kaga geeriyootay shil diyaaradeed

Dowladda Jabuuti oo xaqiijisay in saddex askari ay kaga geeriyootay shil diyaaradeed

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In